Xisbiyada Mucaaradka Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Wada Olole ay ku dalbanayaan in Xilka laga qaado Madaxweynaha Wadankaasi.
Saacadihi waxaa wadanka Kuuriyada Koonfurteed kusoo xoogeysanayay kacdoonka ay wadaan xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi, kaasoo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan xilka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha dalkaasi Yoon Sook Yuul.
Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha dalkaasi ku fashilmay inuu xukun isku daygii ahaa inuu xuku deg deg ah kusoo rogo wadanka.
Waxa loogu yeero Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa kasoo horjeestay go’aanka madaxweynaha, xisbiyada mucaaradka ayaana socyinaya in xilka qaadis lagu sameeyo sabtida soo socota mdaxweynaha dalkaasi Yoon Sook, iyagoo inta badan loo codeeyay in xilka laga qaado, kaliya ay dhiman yihiin wax ka yar 10 cod, kuwaasoo haddii la helo uu xeer udegsan wadankaasi dhigayo in xilka laga qaado ninka talada haya.