Subaxnimadii Arbacadii shalay waxaa afaafka hore ee hotel ku yaalla mandiqadda Manhaantan ee dhacda bartamaha magaaalada New Your lagu toogtay, maamulihii shirkadda United Health Group oo ah shirkad weyn oo Ameerilkaan ah kana shaqeysa arrimaha caafimaadka.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Barayn Tumsun, waxaana toogtay nin hubeysan oo dhabarka dambe kaga yimid xilli uu marayay banaanka hotel-ka.
Muuqaal lagu baahiyay Intarnet-ka ayaa lagu arkayaa habka uu udhacay dilkiisa, waxaana ku dhaceysa dhowr xabadood, wuxuuna ahaa nin 50 jirka ka gaaray cumariga.
Booliska magaalada New Yourk ayaa sheegay in dilka ninkan uu dhacay saacaddu markii ay ku beegneyd 06:45 daqiiqo subaxdii, waxayna sheegeen in ninkii dilka geystay oo aan la aqoonsan illaa iyo hadda uu gaadiid kaga baxsaday goobta, waxayna cadeeyeen iney ku guuldarretsteen soo qabashadiisa, maadaama uu aad isku soo qariyay.
Dalka Mareykanka waxaa caan ka ah toogashooyinka noocaan ah, wuxuuna kaalimaha hore kaga jira wadamada ugu amniga xun Aduunka, hadduusanba ahayn kan ugu horreeya.