Dalka Iiraan ee dhaca Galbeedka qaaradda Aasiya ayaa waxaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay dhul-gaariir cabirkiisu dhan yahay 5.7, gunta dhulkana hoos ujira 10 KM.
Wuxuu si gaar ah ugu dhuftay galbeedka wadanka Iiraan, dadka ku noo aagga uu dhacay ayaana waxaa soo wajahday cabsi xooggan.
Xogo intaasi dhaafsiisan kama aanan helin dhacdada la xiriirta dhul gariirkan iyo haddii ay jiraan khasaarooyin ka dhashay, hase ahaatee wuxuu kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa Allaah idankiis.
Dalka Iiraan ayaa kaalinta hore kaga jira xagga dhul gariirada ka dhaca wadamada Caalamka, 3 bishii November ee ina dhaaftay ayeyna ahayd markii dhul gariir uu ku dhuftay Waqooyiga Iiraan.