Saturday, January 11, 2025
HomeAll NewsSoomaalida iyo Canfarta oo Isweydaarsaday Maxaabiis ay Dagaallo Isaga Qabsadeen.

Soomaalida iyo Canfarta oo Isweydaarsaday Maxaabiis ay Dagaallo Isaga Qabsadeen.

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee ay Itoobiya gumeysato ayaa tilmaamaya, in maamullada Itoobiya ugu magacaaban dhulka Soomaaliyeed iyo Canfarta ay gaareen heshiis maxaabiis isweydaarsi ah, oo ay dhinacyadu kula kala wareegeen maxaabiis ay iska hayeen.

Telefeshinka Itoobiya ee Fano ayaa baahiyay ayaa in labada maamul ee Itoobiya hoostaga ay is dhaafsadeen tiro maxaabiis ah, taasoo ay garwadeyn ka ahayd wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya.

Lama sheegin tirada maxaabiista la isweydaarsaday inta ay la egtahay, waxaase dhulka Soomaaligalbeed ee kujira gumeysiga Itoobiya meelo kamid ah soo gaaray maxaabiista Soomaalida ee kasoo baxay gacanta maamulka Canfarta.

Dowladda Itoobiya iyo maamullada hoostaga ee gumeysiga la shaqeeya ayaa ka shaqeynayay dagaallo hab qowmiyad u abaabulan oo dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta oo ah dad walaalo ah oo ay mideyneyso diinta Islaamka, waxaana ujeedka loo hurinayay colaadan ay ahayd inaaney labada dhinacba u midoobin dagaal ay isaga xoreeyaan gumeysiga Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Maxaabiista

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments