Cabdil-Qaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo ah wasiirka Gaashandhiga Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay, in ciidamada Itoobiya ay u aqoonsan doonaan ciidan gumeysi ah haddii ay ka bixi waayaan dalka, ama ay xukuumadda Abiy Axmed ka laaban weyso is-afgaradkii ay la gaartay maamulka labaxay Soomaaliland.
Isagoo waraysi siinayay mid kamid ah warbaahinta Soomaalida, ayuu sheegay in weli aaney albaabada isku laabin labada dhinac, ayna socdaan wadahadallo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.
Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in dhmaadka bishan 12aad ay qasab tahay in ciidanka Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, laakiin arinkaas ayaa u muuqda hadal afka baarkii ah.