Tan iyo bilowgiii bishii ina dhaaftay wadanka Koongo DRC waxaa fara ba’an ku hayay, cudur cusub oo aan xaqiiqo ahaan la garan waxa uu yahay, kaasoo sababay dhimashada dad badan.
Cudurkan ayaa lagu arkay mandiqadda Banzii ee katirsan gobolka Kowaango ee dalkaasi, waxaana xaaladiihii ugu horreeyay ee dhimshada la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay 10-25 bishii inta dhaaftay ee November.
Wasiirka Caafimaadkae ee gobolkaasi ayaa isagoo dhawaan saxaafadda la hadlayay sheegay, in calaamadaha cudurkan lagu arkay ay tahay, qandho, madax xanuun, qunfac iyo dhiig yari qofka ku imaaneysa.
Gudoomiye ku xigeen gobolkaasi ee xukuumadda Koongo ayaa maalintii shalay isagoo la hadlayay mid kamid ah wakaaladaha wararka ee ka howlgala dalkaasi usheegay, in dad loo badinayo iney tiro ahaan gaarayaan 67 illaa 143 qof ay udhinteen cudurkan.
Cudurkan ayaa la sheegay inuu qarsoon yahay islamarkaana u egyahay Hergebka.