Friday, December 27, 2024
HomeAll NewsKooxaha Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo Isku Sii Fidinaya Dalka Suuriya.

Kooxaha Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo Isku Sii Fidinaya Dalka Suuriya.

Kooxaha kacdoon wadayaasha ayaa deegaano badan oo dhaca baadiyaha gobolka Xamaah la wareegay, iyagoo marba marka ka dambesa dagaalku uu usii dhamaanayo dhanka magaalada madaxda gobolka ee Xamaah oo ay iyada lafteedu la socdaan dagaallo culus.

Ciidamada Kacdoon wadayaasha oo degaanada dhaca baadiyaha Xamaah ula wareegaya si deg deg ah, ayaa kusii dhawaanaya albaabada magaalada Xamaah si ay uxoojiyaan askarta kale ee wali ka dagaallameysa gudaha magaalada, waxayna ka wareegeen deegaano duleedka ka ah magaalada.

Weerarada tooska ah waa kuwo is daba joog ah, waxaan barbar socoda howlgallada gaarka ah, maalintii shalay oo kaliyana waxay la wareegeen kacdoon wadayaashu, illaa iyo 14 isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin dhaca baadiyaha gobolka Xamaah.

Majirto magaalo ama deegaan ay horay ula wareegeen oo dib looga qabsaday, waxayna maalinba maalinta xigta horay u qaadayaan tallaabo hor leh.

Askarta nidaamka Bashaar Al-Asad ayey udirayaan farriimo kala duwan iyagoo ugu baaqaya iney isaga baxaan waxay faraha kula jiraan islaamarkaana isa soo dhiibaan.

Dhaca kale hogaamiyaha nidaamka Nuseyriga ayaa niyad jab iyo walal meel la fadhiya isagoo aan waxba kaqaban Karin waxa dhacaya.

Dowladda Ruushka oo kale ayu uku calaancalay mar uu ugu tegay Mooskoow, hase ahaatee waxaa iyadana heysta howl ku filan oo ay dagaal kaga jirtaa Ukraine.

Ururka Shiiciga ee isku magacaabay Xisbullaah xattaa wax garab ah masiinkaro bashaar waayo isagana waxaa dagaal aan kala joogsi lahayn iyo beegsi gudaha Suuriya iyo Lubnaanba ah ku haya Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments