Xaafadda Xero-Kalluun ee degmada Waaberi magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaya barakicin lagu hayo dadka xaafadaasi ku dhaqan.
Meel u dhow xaafadda ayaa waxaa guri ka dhistay Abshi Bukhaari oo kamid ah shakhsiyaadka aadka ugu dhow Xasan Sheekh Maxmuud, waxaana dhulka ay dadku deganyihiin loogu daray isaga.
Shacabka ku nool xaafadda ayaa saq dhexe oo habeennimo waxaa usoo dhacay ciidamo hubeysan oo wata gawaarida cagaf cagafta oo loogu talogaalay iney dusha ka maraan guryaha.