Maamulka la baxay SSC Khaatumo ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha Internetka.
Markii ugu horreysay maaamulka la baxay SSC Khaatumo ayaa ka hadlay, warar sheegaya in ay wadahdal la fureen maamulka isku magacaabay Soomaaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Wasiirka warfaafinta ee SSC ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu si adag kaga hadlay arrinkaas, isagoona sheegay ineysan marnaba suuragal aheyn wax wahadal ah oo dhex mara labada dhinac.
Warbaahintii qortay warkaas ayuu sheegay iney maxkamad la tiigsan doonaan.