Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsQarax Askari lagu Dilay oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Qarax Askari lagu Dilay oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa qarax xooggan la beegsaday, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku lugeynayay degaan dhaca Duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah kaga dhacay degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana lagu dilay 1 askari halka lagu dhaawacay 3 kale.

Askarta Dowladda Fedaraalka ee ka badbaadday qaraxa ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan, kadib markii ay indhahooda ku arkeen rag iyaga la socday oo dhimasho iyo dhaawac uqeybsamay.

Socodkii ay ku jireen askarta Dowladda Fedaraalka ayaa hakad galay, maadaama ay la kulmeen khasaare lama filaan ah oo si kadis ah kusoo gaaray.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askar katirsan Dowladda Fedaraalka qarax lagula beegsado degaanka Ceelasha Biyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments