Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta waxa ay weerar ku qaadeen, saldhig ay asakrta Dolwadda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Weerarka ayaa lagu qaaday xerada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin halka loo yaqaanno Haanta-dheer oo ku taalla degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Ugu yaraan 6 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaan, kuwaas oo meydadkooda looga cararay saldhigga, halka lagu gubay gaari nuuca raaxada ah oo xerada uyiillay askarta la weeraray.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen hub iyo saanado millatari.