Kacdoon wadayaasha Suuriya ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgallo kala duwan oo ay ku beegsadeen askarta Bashaar Al-Asad, waxayna ku dileen wax kabadan 50 askari, iyagoo weerar lagu beegsaday diyaarad Helakobter ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xamaah.
Xoogga dagaallada Suuriya ee ay wadaan kacdoon wadayaasha waxay markan ka socdaan baadiyaha gobolka Xamaah, waxyna marba marka ka dambeysa la wareegayaan deegaanno hor leh.
Shalay oo kaliya 7 deegaan oo dhaca baadiyaha gobolka Xamaah ayey la wareegeen, waxay sidoo kale isla shalay fuliyeen howlgallo gaar ah oo ay la beegsadeen isku imaatinno ciidan, iyo garoonka diyaaradaha ee Xamaah.
Howgalladan waxay kacdoon wadayaashu u adeegsanayeen diyaarado Drones ah, mid kamid ah weerarada ay qaadeen ayey la beegsadeen diyaarad Helakobter ah oo ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Xamaah, taasoo udiyaar garooneysay iney duqeyso dadka Muslimiinta ah ee ku nool deegaanada ay gacanta kooxaha kacdoon wadayaasha.
Weerarkii lala beegsaday diyaaraddan wuxuu sababay iney fagaaraha dagaal ka baxdo, maadaama ay waxyeello adag soo gaartay.
Sidoo kale kooxaha kacdoon wadayaasha ayaa sheegay in weeraro shiish ah oo ay ka fuliyeen baadiyaha Xamaah ay ku dileen in kabdan 50 askari oo katirsan nidaamka Nuseyriga, islamarkaana ay weeraradaasi sababeen iney la wareegaan illaa 4 deegaan oo dhaca baadiyaha gobolka Xamaah.