Monday, December 23, 2024
HomeAll NewsMasagaskar oo Sheegtay Iney Kordheen Soomaalidii ku Dhintay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Masagaskar oo Sheegtay Iney Kordheen Soomaalidii ku Dhintay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashey doonyo ay saarnaayeen dad Soomaali ah oo ku degatay xeebaha Jaziiradda Madagaskar, dadkaas oo kusii jeeday jaziiradda Mayotte ee dalka Faransiiska.

Dowladda Madagaskar ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in tirada meydadka dadka Soomaalida ah ee la xaqiijiyay iney ku dhinteen doonyaha la qallibmay ay mareyso 25 qof, iyadoo ay jiraan dad weli xanuunsan oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Gudoomiyaha maamulka degadaha dalka Madagaskar Jean-Edmond ayaa sheegay in dadka lasoo badbaadiyay ay tiradoodu gaareyso ugu yaraan 48 ruux, kuwaasoo da’doodu u dhexeyso 17 sano illaa 50 sano jir.

Wasiirka arimaha dibadda Madagaskar ayaa sheegay iney weli socdaan baaritaannada lagu ogaanayo waxa dhaliyay dhimashada dadkan tiradabadan ee Soomaalida ah, wuxuuna hay’adda qaabilsan arimaha Qoxootiga ee Qaramada Midoobay ka codsaday, iney caawimaad lasoo gaarto.

Waayadii u dambeysay dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku le’anayay badaha, iyagoo doonaya iney gaaraan dalalka Yurub, waxaana xilligan meelaha aadka loo aado kamid ah jaziiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo xeebaha Muqdisho u jirta masaafo dhan 1,600 Kiilomter.

Culimada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ayaa ugu baaqay dhalinyarada inaaney naftooda halaagin, dalkoodana ku qancaan, oo ay ka difaacdaan Shisheeyaha kusoo duuley ee boobaya dhaqaalaha iyo kheyraadka umadda.

Halkaan ka Degso Warka Madagaskar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments