Weeraro kamaa’in ah ayaa galinkii dambe ee maanta waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo kasoo baxay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, islamarkaana doonayay iney arbushaad ka sameeyaan deegaanka Buusaar ee hoostaga degmadaas.
Intii aysan soo gaarin deegaanka ayay la kulmeen 2 weerar oo dhabbo-gal ah, waxaana laga dhaawacay 4 askari, iyagoona ka cararay 3 mooto oo ay wateen.
Ciidankaan Katirsan Dowladda Fedaraalka ee la beegsaday ayaa iyagoo jabay waxa ay dib ugu laabteen degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.