Thursday, December 26, 2024
HomeAll NewsKacdoon Wadayaasha Suuriya oo Weli Isku Fidinaya Deegaanno Horleh.

Kacdoon Wadayaasha Suuriya oo Weli Isku Fidinaya Deegaanno Horleh.

Iyadoo wali dagaallada lafka jabis ah ee lagu soo afjarayo nidaamka Nuseyriyada ka socdaan wadanka Suuriya, ayaa waxaa sida tusbax go’ay oo kale u kala daadayana askarta Bashaar Al-Asad, waxayna shalay oo kaliya kacdoon wadayaasha ku sugan Bariga Xala isku soo dhiibay 30 askari, halka ay soo qafaasheen 35 kale, kadib dagaallo xooggan oo ay la galeen.

Sido kale isla maalintii shalay waxay qabsadeen kacdoon wadayaashu deegaanno muhiim ah oo dhaca Bariga Xalab, oo ay kamid  yihiin As-Safiirah, Al-Cadnaaniyah, Jabalu-Cazaan iyo Khanaasir.

Dhanka Waqooyiga gobolka Xamaah waxay la wareegeen deegaano badan oo dhaca halkaasi islamarkaana ay kamid yihiin, Macaana, Al-Kabaariyah iyo Kowkab.

Weeraro xooggan ayey isla shalay sido kal ka geysteen magaalada Xamaah oo ay wali ka socdaan dagaallada ay ku doonayaan iney kula wareegaan magaalada, waxaana si gaar ah looga xusi karaa meelaha shalay ay ka dhaceen weerarada garoonka diyaaradaha ee Xamaah, kaasoo ay kacdoon wadayaashku iyagoo adeegsanaya Drones ku beegsadeen diyaarad kamid ah kuwa dagaalka oo tiilay garoonka.

Dhanaca kale dowladda Ruushka oo dagaalka Suuriya ka socda qeyb ka ah iyadoo ku safka nidaamka Nuseyriyada, ayaa ku fashilantay kahor tagga weerarada socda, gaar ahaan wuxuu fashilkeedu banaanka usoo baxay markii la qabsaday Xalab oo ciidankeeda Bishaar Al-Aasad ka sugayay iney udifaacidoonaan.

Kadib fashilkaasi, waxay xukuumadda Mooskoow ceyrisay taliyii hogaanka u ahaa ciidamadeeda Jooga Suuriya, iyadoo ku eedeeysay inuu ku fashilmay difaacidda magaalada Xalab, waxayna ku bedeshay mid kale oo isla xilkan hayay sanadihii 2017-kii illaa 2019-kii oo ay isaga laftiisa horay jagadan uga qaaday.

Hogaamiyaha nidaamka Nuseyriga ayey xaaladdu ku adag tahay, Xukuumadda Ruushka ee uu taageerada ka sugayayna waxay la daalaadhaceysaa dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay dagaalka daba dheeraaday oo ay kula jirto Ukraine.

Falanqeeyayaasha siyaasaddu waxay tilmaamayaan, in xilligan taageerada uu siin karo Ruushku nidaamka bashaar ay tahay mid xadidan, maadaama Ruushka laftiisu ku jiro dagaal baaxad leh, askartii ka joogay Suuriya qaar badan oo kamid ahna uu dib ugu celiyay wadankiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments