Xannibaad dhanka socdaalka ah oo la saaray xildhibaannada mucaaradka ee katirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ee dhawaan ka yimid magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada-hoose.
Amar ka dhan ah xildhibaanno uu kamid ah Xasan Firimbi ayay wararku sheegayaan in loo gudbiyay saraakiisha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku aaddanaa ineysan ka duuli karin madaarka.
Saraakiisha ammaanka ee garoonka diyaaradaha ayaa lagu wareejiyay liiska magacyada xildhibaannadan xayiraadda la saaray, kuwaas oo u badan xildhibaannadii kasoo hor-jeeday ansixintii guddida doorashada ee maalmo ka hor la hor-keenay Baarlamaanka.