Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Sheegay in Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney Waxba iska dhimin, ayna fulin karto Weeraro culus oo ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Shisheeyaha.
Warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo warbixintu ay eegtay jawaanib kala duwan oo la xiriira siyaasadda, milliteriga, duullaanka ciidamada Shisheeye ee ATMIS, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo arimaha Federaalka.
Marka laga hadlayo siyaasadda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxay warbixinta kasoo baxday Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay lagu sheegay inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo aad u daran, kaasoo ka dhashey khilaaf la xiriira arimaha doorashooyinka iyo dastuurka.
Iyadoo uu horey maamulka labaxay Puntland uga biyo diidsanaa siyaasadda Dowladda Federaalka ayay warbixintu tilmaamtay, in maamulka Jubbaland uu isaguna kusoo biiray Khadka khilaafaadka, uuna Axmed Madoobe qabsaday doorasho uu isagu ku guuleystay.
Marka laga hadlayo arinta la xiriirta duullaanka Soomaaliya, waxay warbixinta Golaha Ammaanka tilmaamtay in awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney waxba iska dhimin, welina awood u leedahay fulinta iyo abaabulka weeraro waaweyn oo isuga jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, oo lagu beegsado Dowladda Federaalka iyo saldhigyada ciidamada Shisheeye ee ATMIS.
“ Xarakada Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee heysata amniga Soomaaliya, awoodeeda la xiriirta fulinta weeraro ka dhan ah hay’adaha dowladda iyo ciidamada caalamiga ahna weli waxba iskama dhimin” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Qodobka la xiriira duullaanka ciidamada Shisheeye ee ATMIS iyo wejiga cusub ee la qorsheyanayo inuu galo sanadka cusub, waxay warbixintu sheegtay in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo ku horgudban, taasoo ay ugu weyntahay cida qaadaneysa maalgelinta duullaanka Shisheeyaha ee qaadanaya magaca AUSSOM.
Waxay warbixintu sheegeysaa in dhinacyo saameyn ku leh duullaanka Soomaaliya oo uu Maraykanku kamid yahay, ay saluugsanyihiin qaabka ay wax u socdaan, taasina ay keentay inaan weli la cayimin maalgelinta iyo cida qaadaneysa.
Mid kamid ah arimaha lagu maareyn karo xaaladan oo ay soo jeedineyso warbixinta Golaha Ammaanka, waa in mudo kordhin kooban loo sameeyo ciidamada Shisheeyaha ATMIS, taasoo laftigeedu caqabado badan ku hareereysanyihiin.
Khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay warbixinta, inuu saameyn ku yeelanyo duullaanka Shisheeyaha, xilliganna ay Dowladda Federaalka u xuub siibaneyso dhanka Masar oo ay heshiis amni ay saxiixdeen.
“ Goluhu wuxuu ka walaacsanyahay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa warbixinta sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ciidamadeedu ay geysanayaan tacadiyaad ka dhan ah banii Aadamnimada, kuwaasoo isuga jira dil bareer ah oo loo geysanayo dadka shacabka ah, xarig sharci darro ah iyo arimo kale oo ka hor imaanaya Xuquuqda Aadanaha.
Qaramada Midoobay ayaa kamid ah dhinacyada qeybta ka ah duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, waxaana xafiiskeeda Muqdisho ka furan uu maalgeliyaa mashaariic ka dhan ah amniga, fiyoobidda, dhaqanka iyo xornimada umadda Soomaaliyeed.
Halkaan ka Degso Warbixinta Qaramada Midoobey