Maamulka la baxay Jubbaland ayaa ka hadlay ciidan la sheegay iney isaga ka goosteen oo ku biiray Dowladda Fedaraalka.
Maalintii shalay Dowladda Fedaraalka ayaa soo bandhigay tiro doonyo ah oo ay askar saarnaayeen, kuwaas oo ay sheegtay iney iska soo dhiibeen maamulka la baxay Jubbaland.
Balse war kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa gabi ahaanba lagu beeniyay warkaas, waxa uuna maamulku sheegay in Dowladda Fedaraalka ay adeegsaneyso dayaacaad rakhiis ah.
Ciidanka doonyaha lagu raray ayuu maamulku sheegay iney yihiin kuwii ay dhawaan Dowladda Fedaraalka geysay deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada-hoose, aysanna ka tirsaneyn maamulka la baxay Jubbaland.