Maamulka la baxay Puntland ayaa Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney masuul ka tahay, dagaal beeleedyo ka socda qeybo kamid ah gobalka Mudug.
Feysal Sheekh Cali oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug ugu magacaaban maamulka la baxay Puntalnad, ayaa waxa uu eedeyn ujeediyay Dowladda Fedaraalka.
Waxa uu ku eedeeyay in ay iyadi masuul ka tahay dagaal beeleedyada ka socda gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayna gabalkaasi ka dhistay xuduudo ay qabaa’ilka ku kala geyneyso.
Maamulkaan ayaa marar badan eedeymo kuwaan lamid ah waxa uu ujeediyay Dowladda Fedaraalka, taas oo uu ku eedeeyay iney colaad beeleedyo ka hurineyso gobalka Mudug.