Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsKacdoon Wadayaash Suuriya oo Sii Wada Fuarashada Magaalooyin Muhiim ah.

Kacdoon Wadayaash Suuriya oo Sii Wada Fuarashada Magaalooyin Muhiim ah.

Kacdoon wadayaasha oo maalinba maalinta ka dambeysa sameynaya horumarro kala duwan oo dhanka dagaalka ah, waxayna gacantooda kusoo dhacaya magaalooyin waaweynoo hor leh.

Maalintii shalay kadib furashadoodii magaalada Xalab ee ah tan labaad ee ugu weyn dalka Suuriya, waxay udhaqaaqeen dhanka gobolka Idlib ee dhaca Waqooyiga Suuriya, waxayna askarta nidaamka Nuseyriyada kala wareegeen intii gacantooda ku jirtay.

Magaalooyinka waaweyn ee ay shalay la wareegeen oo katirsan gobolka Idlib waxaa kamid ah, Macarrtu-Nucmaan oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Idlib, iyo Khaana-Sheykhuun.

Kadib markii ay si dhameestiran u qabsadeen guud ahaan gobolka Idlib waxay  udhaqaaqeen furashada gobollo kale oo ay kamid yihiin Dirca iyo Xamaah, waxayna la wareegeen deegaano badan oo dhaca gobolka Xamaah, iyagoo gaaray magaalada Hamaah, halkaasi oo ay ku talajiraan iney gacanta ku dhigaan waqtiyada soo socda, Allaah idankiis, waxayna halkaasi ka billeen dagaallo xooggan oo ay ku qaadayaan askarta nidaamka Nuseyriyada ee ku sugan magaalada.

Sido kale waxay dagaalladu ku baahayaan guud ahaan dalka, iyagoo ineysan joogsan meel kasokeysa magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Dhanka nidaamka Nuseriyada waxaa ka dhexbilowday kala shaki iyo is khilaaf, waxayna waxaana xalay Dimishiq ku dagaallamay labo garab oo iska soo horjeeda islamarkaana ka tirsan askarta nidaamka Nuseyriada.

Shalay oo kale kooxaha kacdoon wadayaashu waxay magaalada Xalab  kusoo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee maamulka Bashaar Al-Asad,  iyagoo adeegsanaya lidka diyaaradaha.

Waxay kaloo isla shalay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Xalab.

Magaalooyinka kale ee waa weyn oo ay kamid ah yihiin Ximis iyo Al-Laadiqiyah ayuu qoob gariir aad u xooggan ka jiraa, maabka ama khariiradda dagaalka ee la baahinayo ayaana muujinaya, in askarta nidaamka iyo xalafadooda gees la iskugu geeyay, islamarkaana haatan ka fakarayaan go’aan ay ka qaadan lahaayeen xaaladda culeyska ku ah ee soo wajahday, iyagoo ka baqdin qaba masiirkooda iyo halka u uku dambeyn karo.

Ciidamada nidaamka Nuseyriga qaarkooda ayaa bilaambay iney isku dhiibaan kooxaha kacdoon wadayaasha, halka halka intii ka badbaaday xabadana ay ka cararayaan dabaabaadkii iyo iyo gaadiidkii noocada kala duwan lahaan ee ay wateen.

Dagaallada ayaa ah kuwa aad ukulul oo ay labada ciidan faraha iskula tageen, waxaana gacanta kooxaha kacdoon wadayaasha galay gaadiid hub iyo saanad noocyo kala duwan leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments