Taliyaha ciidamada Taraafikada maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho SIciid Baryare, ayaa sheegay in gaarigii lagu arko meel aan seedkiisa ahayn laga qaadi doono ganaax lacageed oo dhan Todobobaatan doollar.
Ninkan oo kormeer ku maray qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, ayaa furayaasha ka qaatay bajaajley badan oo ka xamaasha Muqdihso, wuxuuna u sheegay in qofkii lagu arko seed khaldan laga qaadayo lacag dhan todobaatan doollar.
Bajaajleyda Muqdisho ayaa maalin kasta waxaa loola yimaadaa mashaariic dhaqaale looga uruursanayo, oo ay wataan saraakiisha Dowladda Federaalka, tallaabooyinka cadaadiska ah ayaana sabab u noqday in dhalinyaro badan ay tahriibaan, badahana ku dhamaadaan.
Halkaan ka Degso Warka Taraafikada