Xildhibaan katirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay heysato dhulballaaran oo dhaca Koonfurta Soomaaliya, Dowladda Fedaraalkana aysan awoodin iney tallaab qaado.
Faarax Macallin oo kamid ah xildhibaannada Dowladda Kenya ayaa mar uu wareysi bixinayay waxa uu shaaca ka qaaday, in Dowladda Fedaraalka ay tahay mid taag daran oo aysan awoodin iney wax dhaqdhaqaaq ah sameyso.
Waxa uu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay heysato dhulballaaran oo dhaca Koonfurta Soomaaliya, go’doonna ay galisay magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo uu tilmaamay in duleedyada ay ufadhiyaan ciidamada Al-Shabaab.
Halkaan ka Degso Warka Faarax Macallin