Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaXasan Sheekh oo Dib usoo Celinaya Soomaalida Kunool Jarmalka.

Xasan Sheekh oo Dib usoo Celinaya Soomaalida Kunool Jarmalka.

Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa booqasho ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Olaf Scholz, isagoo u sheegay in Jarmalka ay tahay in dalkiisu kasoo musaafuriyo Soomaalida qoxootinimada ku joogta.

Wuxuu u sheegay Xasan Sheekh hogaamiyaha dalka Jarmalka, iney Dowladda Federaalka diyaar u tahay iney qaabisho dadka Soomaalida ah ee qoxootinimada ku jooga Jarmalka, marka lasoo tarxiilo.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa dalka Jarmalka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu u ballanqaaday ra’iisul wasaaraha Jarmalka, iney diyaar u tahay dowaldiisa qaabilaadda qoxootiga Soomaalida ee dalka Jarmalka ku sugan, ee ay xukuumada Parlin daneyneyso iney dalkeeda kasoo tarxiisho.

” Diyaar ayaan u ahay inaan dib u ceshanno dadka Soomaalida ee qoxootiga ah ee halkan ku sugan iyo kuwa aaney u suurogelin iney ku dhex milmaan bulshada Jarmalka” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxmuud, isagoo la hadlaya hogaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa wuxuu kusii daray, in dalka Soomaaliya uu xilligan yahay dal xasiloon oo aaney wax dagaallo ah ka jirin, sidaasi darteedna ay diyaar u tahay dowladiisa iney la wareegto dadka laga soo tarxiilayo dalka Jarmalka.

Inkabadan 60 kun oo Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Jarmalka, kuwaasoo badankood aan heysan sharciga wadankaas, si qoxootinimo ahna ugu nool goobo u gaar ah dadka soo galootiga ah, waxaana sanadba sanadka ka dambeeya sii badanaya dadka Soomaalida ah ee dalkaas tagaya, kuwaasoo ka tahriibiya qeybo kamid ah wadamada Afrika oo ay horey u tageen.

Hadalka Xasan Sheekh Maxmuud ee ah inuu soo dhaweynayo dadka laga soo tarxiilayo Jarmalka, ayaa waxaa aad u dhaliilay Soomaalida qaar, iyagoona ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxmuud inuu dhibaato ku hayo Soomaalidii ku sugneyd halka magaalo ee ay dowladiisu ku sugantahay oo ah Muqdisho, iyadoo ay taasi jirtana uu hadda sii dalbanayo in Soomaalida dalka dibadiisa kus ugan dib loogu soo celiyo wadanka.

Mid kamid ah waxyaabaha xoojinayo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed, waa duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, iyo dilka bareerka ah ee ay ciidamada Dowladda Federaalka ah u geysanayaan dhalinyarada, iyadoo aaney dhalinyaradu awood u lahayn iney si nabad ah uga shaqeystaan magaalada Muqdisho, oo ah magaalada ugu dadka badan Soomaaliya.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments