Maalintii shalay oo Isniin ahayd weerar xooggan ayaa ka dhacay Waqooyi Galbeed ee wadanka Bakistaan oo katirsan Qaaradda Aasiya waxaana lagu dilay 8 askari.
Dhinaca kale, Isla shalay waxaa dalka Bakistaan laga soo tabiyay howlgal lagu afduubtay 7 kamid ah askarta Booliska dowladda bakistaan, kaasoo ka dhacay isla mandiqaddii aan soo sheegnay.
Mas’uuliyiin kamid ah Booliska iyo Sirdoonka xukuumadda Islaamabaad ayaa warbaahinta usheegay, in 8-da askari ee la dilay ay mas’uuliyadda dilkooda sheegtay Xarakada Daalibaan Bakistaan ee ka jihaadda wadankaasi.
Weerarkan ay mas’uuliyaddiisa sheegteen Mujaahidiinta Xarakada Daalibaan Bakistaan ayaa waxa uu dhacay bar-koontarool oo wax lagu baaro, taasoo ku taalla degmada Tirah ee katirsan gobolka Buuraleyda ah ee Kheybar Bakhtunkhawa oo dhaca xadbeenaadka udhaxeeya Bakistaan iyo Afqaanistaan.
Weerarka labaad ee askarta lagu afduubtay ayaa illaa iyo hadda la garaneyn cidda fulisay, wuxuuna mas’uul u hadlay Booliska Bakistaan sheegay, in Dableey hubeysan ay go’doomiyeen bar-koontarool oo wax lagu baaro oo ay iska leeyihiin Booliska, kuna taalla mandiqadda Baanuu oo ku katirsan isla gobolka weerarka hore ka dhacay.
Wuxuu intaasi ku daray iney goobta ka qaateen hubkii booliska islamarkaana afduubteen, 7 askari oo kamid ah Baliiska kuwaasoo aan la garaneyn meel ay la aadeen.