Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Puntland Cabdi Siciid Faarax (Juxa) ayaa isagoo ka hor hadlayay baarlamaanka maamulkaas waxa uu faahfaahin ka bixiyay, tirada dadka Itoobiyaanka ah ee bilooyinkii lasoo dhaafay kusoo qulqulayay deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas.
Wasiir Juxa ayaa tilmaamay in ku dhawaad 30,000 (Sodon Kun) oo Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaannada ay ka arrimiyaan 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, isagoona walaac ka muujiyay culeyska isa soo taraya ee ka dhashay qulqulka Xabashida.
Isagoo afka ka dhowranayay inuu ku dhawaaqo magaca Itoobiya ayuu wasiirku sidoo kale sheegay, in horay uu maamulkaas umarti galiyay dad badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay in ka badan 460,000 (Afar Boqol iyo Lixdan Kun), oo uu tilmaamay iney xaalado adag galiyeen magaaalooyinka.
Walaacaan kasoo yeeray maaamulka la baxay Puntland ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen dadka ka bacanaya qulqulka Itoobiyaanka soo buux dhaafiyay deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaan, waxaana bulshadu ay isku mid ah uga cawdeen dhibaatada ay kala kulmeen arrintaan, iyagoo tilmaamay in haddii deegaannadaas laga saari waayo ay iyaga ka saari doonaan.
Halkaan ka Degso Warka Maamulka