Madaxtooyada looga taliyo Dowladda Fedaraalka ee lagu magacaabo Villaa Soomaaliya ayey wararku sheegayaan, inuu shalay galab dab ka kacay.
Sida lagu helayo xog loosoo dusiyay warbaahinta, dabkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga holcay, qeyb ku dhaw guriga uu Xasan Sheekh ka degan yahay madaxtooyada, taasoo lagu magacaabo Sar-Guduudda, laguna keydiyo hubka iyo rasaasta sida ay sheegeyso xogta la helayo.
Gaadiidka dab-damiska ee uu leeyahay maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray madaxtooyada.