Maalintii shalay shalay oo Axad ahayd war kasoo baxay Ururka isku magacaabay Xisbullaah ayaa lagu sheegay, in duqeyn ay Yahuuddu ka fuliyeen bartamaha magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan lagu dilay, Mamaxad Cafiif oo ahaa mas’uulkii u qaabilsanaa dhanka saxaafadda iyo madixii xiriirka warbaahinta ee Ururka.
Ninkan ayaa xilka uu ku magacaawnaa hayay muddo sanado ah, wuxuuna kadib dilkii Hogaamiyahoodii la dilay ee Xasan Nasrullaah kasoo muuqanayay shirarka jaraa’id ee ay qabtaan Ururka.
Marka laga soo tago xilka uu hayay haatan oo loo magacaabay 2014-kii, wuxuu horay usoo noqday la taliyaha Xasan Nasrullaah hogaamiyhii ay yahuuddu dileen sanadkan gudihiisa.
Ninkan la dilay ayaa waxaa duqeysay diyaaradda ay iska leeyihiin Yahuudda isaga oo ku sugan dhisme ku yaalla magaalada Beyruut ee wadanka Lubnaan.
Maamulka Yahuudda iyo ururka isku magacaabay Xisbullaah ayaa waxaa dhexmaraya dagaal aan waxba la isku reeban, kaasoo kasocda dalkaasi.