Wadanka Mareykanka oo caan ku ah toogashooyinka ayaa waxaa mar kale maanta ka dhacay toogasho sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 9 kale.
Toogashadan ayaa ka dhacday magaalada New Orleans gaar ahaan goob ay xaflad ka dhacaysay, oo ku taalla waddo marta xaafadda Sanad-Ruush ee katirsan magaaladaasi.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Booliska magaaladaasi, tiro labo jeer ah oo ay daqiiqado udhaxeeyeen ayaa goobta waxaa ka dhacay labo toogasho, middii ugu horreysay 8 ruux ayaa ku dhaawacmay, halka midd dambe oo dhacday qiyaas ahaanti ku dhawaad 50 daqiiqo kadibna ay ku lagu dilay labo ruux oo midkood dhaawac ahaan isbitaalka loo keenay, kadibna halkaasi ku naf baxay, halka mid kalena uu dhaawacmay.
Weerarkan toogashada ah ee gallaaftay nolosha 2 ruux iyo dhaawac 9 kale, majirto cid ay uqabteen ciidanka Booliska Mareykanka, waxaana toogasho awgeed gudaha Mareykanka ugu nafwaayay dad aad ufarabadan.
Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ugu amniga xun Caalamka, waayo hubka ayaa dadka gacmahooda ku jira islamarkaana yaalla meel waliba, sidaasi darteed haddii aad joogto Mareykanka, xilli waliba naftaadu halis ayey ku jirtaa.