Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhextaagan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada qaar, ayaa maamulka Puntland wuxuu soo jeediyay in xilka laga tuuro Xasan Sheekh Maxmuud.
Maxmuud Ceydiid Dirir oo ah wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ayaa weerar afka ah u qaaday Xasan Sheekh Maxmuud, isagoo ku baaqay inaan lala sugin inta uu waqtiga ka dhamaanayo, ee ay tahay in xilka laga qaado.
Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur oo isaguna kamid ah xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu waxqabad ka dhigtay burburinta guryaha dadweynaha.