Meydka gabar yar oo mar dhow la dhalay ayaa laga helay xaafad kamid ah magaalada Wajeer ee katirsan gobolka Wajeer oo ku hoosjira gumeysiga Dowladda Kenya.
Lama garanayo cidda dishay gabadha yar, waxaysa dadka degaanku sheegayaan in lagu dhexriday god yar iyadoo meyd ah.
Qaar kamid ah haweenka ku nool magaalada Wajeer oo warbaahinta la hadlay ayaa farriin udiray dumarka ilamaha inta ay dhalaan kadibna soo tuura, iyo waalidiinta dhalay intaba.
Dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato ayaa waxaa ku badan falalka noocaan ah, waxaana dhiirigelisa oo ka dambeysa Dowladda Kenya iyo maamullada iyada raacsan oo ay meesha ka dhisatay.