Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in diyaarad nooca hellicopterka ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalkaasi, ay ku burburtay gobolka Amxaarada, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo adag oo u dhexeeya malleeshiyaadka Fano iyo ciidamada Itoobiya.
Diyaaradda burburtay ayaa lasoo warinayaa in Sabtidii ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Belay Zeleke ee magaalada Bahir Dar, oo ah xarunta gobolka Amxaarada, sida ay tabinayaan warbaahinta maxalliga.
Inkastoo burburka diyaaradda uu maalin cad dhacay, hadana waxaan weli la heynin xogo rasmi ah oo la xiriira wayxeellada ka dhalatay, iyo in diyaaraddu la socdeen masuuliyiin dowladeed ama saraakiil ciidan oo katirsan dowladda Itoobiya.
Burburka diyaaradda milliteri ee ay leedahay dowladda Itoobiya, ayaa kusoo aadaya iyadoo malaintii Jimcaha magaalada Bahir Dar uu booqasho ku tagay taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ninka lagu magacaabo Marshal Berhanu Jula, kaasoo la kulmay saraakiisha milliteriga ee gobolka.
Waxaan kala cadeyn in burburka diyaaradda hellicopterka ee ay leedahay dowladda Itoobiya uu yimid kadib weerar ay la kulantay diyaaradda iyo inuu yahay cillad farsamo, waxaan sidoo kale weli la heynin xogta la xiriirta waxyeellada.