Weerarkan oo ahaa kamiin ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday, tiro kor udhaafeysa 10 oo kamid ah malleeshiyada calooshood ushaqeysataash ee Xizaamul-Amni oo gacan saar laleh xukuumadda Imaaraadka Carabta.
Dagaalkan ayaa dhawaan ka dhacay madiqadda Muudiya ee gobolka Abyan oo katirsan dalka Yaman, waxaana kamiinkan looga dilay malleeshiyadan 4 halka laga dhaawacay 7 kale.
Mas’uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab oo dagaal kula jira Malleeshiyaadkan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay la kulmaan colooshood ushaqeysataashan weeraro uga yimid dhanka Mujaahidiinta Ansaaru-Shareecah, waxayna marar badan ku dhaceen dabino loo qoolay.
Malleeshiyaadkan ayaa dhibaato farabadan ku haya dadka ku dhaqa dalka Yaman.