Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaMadaxweynaha Ukraine oo ku Baaqay in Lasoo Afjaro Dagaalka Ka Socda Dalkiisa.

Madaxweynaha Ukraine oo ku Baaqay in Lasoo Afjaro Dagaalka Ka Socda Dalkiisa.

Volodymyr Zelensky madaxweynaha dowladda Ukraine ayaa maalintii shalay wuxuu warbaahinta ka hor sheegay, sida uu udoonayo in lasoo afjaro dagaalka kasocda dalkaasi ee kala dhaxeeya Ruusha, marka la gaaro sanadka 2025-ka, iyadoo loo marayo soo afjaridda dagaalka hab diblumaasi ah.

Zelensky ayaa isaga oo la hadlaya idaacadda Ukraine wuxuu yiri ‘’ Dhinaceyna waxaa dusha inaga saaran inaan bixino dadaal intii awoodeyna ah, ay aan uballaanqaadno in dagaalku soo dhamaado sanadka soo socda.

Wuxuu intaasi kusii daray mar uu hadlayay, ‘’ waa inaan dagaalka kusoo dhameynaa hab diblumaasi ah, waxaana aaminsanahay in arrinkaasi aad muhiim uyahay’’.

Hadalkan kasoo yeeray Zelensky  ayaa kusoo aadaya, xilli Dagaalka udhaxeeya Ukraine iyo Ruusha uu socdo muddo ku dhow sedax sano, iyadoo hoos udhac u uku yimid dardartii uu kusoo bilowday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments