Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaWeerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Dalka Pakistaan.

Weerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Dalka Pakistaan.

Subaxnimadii hore ee shalay waxaa weerar saacado badan qaatay lagu soo qaaday, ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Bakistaan oo ku sugnaa bar ciidan oo ku taalla Koonfur-Galbeed dalkaasi.

Weerarkan ayaa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo ka tagaallanta gobolka Baluushistaan ee dalKa Bakistaan, waxayna dagaalka ay soo qaadeen askarta Bakistaan uga dileen 7 askari, halka ay dhaawaceen askar tiradooda lagu sheegay 15 illaa 18, kuwaasoo loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Xukuumadda Islaam-Baad oo ka hashay weerarkan waxay sheegtay, in weerar lagu soo qaaday bar ay ciidankoodu ilaaliya xad-beenaadyada ku leeyihiin, mandiqad dhacda meel jihada Koonfureed qiyaas ahaan 150 KM kaga beegan caasimadda gobolka Baluushistaan ee Kuwiitaa.

Dableyda dagaalka soo qaaday ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna kamid tahay kooxaha ugu waaweyn ee ka dagaallama gobolka Baluushistaan ee dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments