Sunday, November 17, 2024
HomeAll NewsWeeraro ka Dhan ah Ciidanka Uganda iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay...

Weeraro ka Dhan ah Ciidanka Uganda iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay Baay iyo Sh-hoose.

Weeraro isugu jira qarax iyo kuwa toos ah ayay habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Baay iyo Sh-hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Haddaan ku horeyno gobalka Sh-hoose, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada askarta Shisheeye ee Uganda ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobalkaas.

Isla Sh-hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro culus ku qaadeen, xeryaha ay askarta Uganda ku leeyihiin garoonka magaalada Baraawe, iyo deegaaanka Buur-colow oo hoostaga magaaladaas.

Dhanka gobalka Baay, waxaa ka dhacay qarax iyo weeraro ka dhan ah ciidamada maamulka la baxay Koonfur-galbeed.

Askar katirsan maamulkaasi oo ku sugnaa saldhig bari ee magaalada Baydhabo ayaa lala eegtay weerar qarax ah, waxaana lasoo warinayaa inuu weerarkaasi khasaare dhaliyay.

Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro ku qaadeen, fariisimaha askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin, xaafadaha Towfiiq iyo Makuudo oo kawada tirsan magaalada Baydhabo, iyo xero ku taalla Ceel-hindi oo katirsan degmada Qansaxdheere ee isla gobalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments