Wadanka Canada ee dhacay qaaradda Yurub waxaa ka dillaacay, cudur dhanka masaxda ku dhacaya, kaasoo ay in ka badan 30 ruux horay naftooda ku ugu waayeen, boqolaal kalena haatan la noolyihiin.
Xukuumadda dalkaasi ayaa sheegtay iney cudurkan daawadiisa garan la’yihiin islamarkaana xattaa aysan aqoonin waxa sababay.
Haweeneyda ra’iisulwasaaraha ka ah dalkaasi oo hadashay ayaa dalbatay in la isku howlo sidii looga hor tegi lahaa cudurkan, iyadoo intaasi ku dartay ineysan aqoon ula hayn habka uu eyahay, daweyntiisa iyo waxa sababay intaba.
waxay intaasi sii raacisay iney horay ugu dhinteen 40 ruux dad lagu qiyaasay 400 kale laga helay calaamadaha cudurka.
Xanuunkan ayaa ah mid qarsoon oo argagax ku beeray dadka ku nool dalka iyo dowladda wadankaasi, waayo maba garanayaan waxa keenaya haddii ay iska ilaalin lahaayeen, qofkii uu ku dhacana uma hayaan dawo ay siiyaan.
Wadamada reer Galbeedka ayuu Allaah ku saliday cudurro aan horay loo aqoon, kadib markii ay la dagaallameen diinta Islaamka, waxa ay maanta ka argagaxayaan ayaana ah qeyb kamid ah wixii ka dhashay falalkii gurracnaa ee ay ku kaceen.