Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday waxa loogu yeero hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaa dadka Itoobiya ku nool faro ba’an ku hayaa cudurka malleeriyada ama duumada, kaasoo soo ritay kudhawaad toban malyan oo qof, halka ay u dhinteen inkabadan kun ruux dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Warbixinta WHO ayaa lagu sheegay, in 7.3 malyan oo qof oo Itoobiyaan ah laga heley cudurka Malleeriyada, halka 1157 ruux oo kalena ay u dhinteen cudurkan sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in tiradan al diiwaan geliyay ay tahay tii ugu badneyd todobadii sano ee lasoo dhaafay, cudurkan duumada ayaana waxaa sababa qaniinka kaneecada, oo ku badan dalka Itoobiya, maadaama uu yahay dal ay webiyo maraan, haro biyoodyaduna ku badanyihiin.
Mid kamid ah waxyaabaha sababa cudurkan, qeybtana ka qaatay inuu aad ugu dhex faafo dadka Itoobiyaanka ah, waxay WHO sheegtay iney tahay iyadoo dadku isla isticmaalaan irbadaha la isku duro, maadaama dadka Itoobiyaanku aad u badanyihiin, xarumo caafimaad oo tayo lehna aan laga heleynin goob weliba.
Xitaa waxaa cudurka Malleeriyada isku gudbin kara hooyada iyo canugeeda, inta uu caloosha ku jiro ama waqtiga dhalmada, sida WHO ay sheegtay.
Sida warbixinta WHO oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha caafimaadka sheegtay, 75% dalka Itoobiya waxaa uu gabaad iyo hooy u yahay waxyaabaha dhaliya cudurada ee viruska iyo bakteeriyada ay kamidka yihiin, tanina waxay keentay in dalku noqdo mid kmaid ah meelhaa ugu adag ee la dhiban cudurada aadka u faafa, sida Malleeriyada.
Marka laga hadlayo gobollada ugu badan ee laga soo diiwaan geliyay xanuunka Malleeriyada, kumanaanka ruuxna ugu dhinteen waa gobollada Amxaarada, Oromada, koonfurta Itoobiya iyo galbeedka wadanka, halkaasoo laga soo diiwaan geliyay 89% dadka uu xanuunka duumada soo ritay iyo kuwa u dhintey intaba.
WHO waxay sheegtay in iyadoo kaashaneysa wasaaradda caafimaadka Itoobiya ay isku dayeyso iney hirgeliso goobo caafimaad oo dadka lagula tacaalo, iyadoo la hirgelinayo xarumo si deg deg ah u qaabili kara dadka xanuunsan.
Itoobiya ayaa kamid ah dadlka ugu dadka badan marka laga haldayo Afrika iyo si gaar ah mandiqadda geeska Afrika, waxaana sanadihii u dambeeyay uu dalkani marti geliyay siraacaad iyo dagaallo adag oo u dhexeeya qowmiyadaha is diidan.