Iyadoo waayadii lasoo dhaafay Dowladda Federaalka madaxdeeda ay sheegayaan, in ciidamada Itoobiya aaney kamid ahaan doonin duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee magaca loo bedelayo sanadka cusub ee soo socda, ayaa markii ugu horeysay waxay dowladda Itoobiya sheegtay inaaney meelna uga socon Soomaaliya.
Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in ciidankeeda jooga Soomaaliya ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, tallaabo kasta oo arinkaasi u suurogelin kartana ay qaadayaan.
Nebiat Getachew oo ah afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maalintii shalay, wuxuu ku sheegay in dowladda Itoobiya ay sii wadi doonto markasta iney ka hortagto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida uu warka u dhigay.
” Markasta waxaa walaac amni nagu hayo Al-Shabaab, waana sii wadi doonnaa dadaallada aan ku dooneyno in looga hortago in Al-Shabaab ay halis geliso amnigeena qaranka” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya.
Warka kasoo yeeray dowladda Itoobiya ee la xiriira iney sii wadi doonto duullaankeeda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan wasiirka gaashandhiga Dowladda Federaalka Cabdilqaadir Maxamed Nuur Jaamac, uu sheegay in ciidamada Itoobiya aaney kamid noqon doonin duullaanka Shisheeyaha ee sanadka soo socda la doonayo in magac bedel lagu sameeyo, awoodiisana la yareeyo.
Hadalka kasoo yeeray Itoobiya ayaa xoojinaya aragti ay inbadan sheegi jirene aqoonyahanka iyo waxgaradka, oo la xiriira in marnaba Itoobiya aaney dooneynin in Soomaaliya uu noqdo dal madax banaan, ciidankeedana aaney ka bixi doonin gobollada ay joogaan, haddii aan la helin cudud ciidan oo Xabashida ku qasabta iney ka baxaan dalka, sidaba dhacday intii u dhexeysay 2006-da iyo 2009-ka.