Xeebaha Garacad ayaa waxaa ku dhintay wiil dhalinyaro ah, kadib markii ay baddu qaaday.
Wiilka dhintay waxaa lagu magacaabaa Yoonis Faarax Cabdi, waxaana isagoo badda ku dabaalanaya la tagay biyaha.
Waxaa lasoo badbaadiyay wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Roonge, kaasoo isaguna baddu qaaday.
Inta badan dhalinyarada ayaa halisyo kala kulma dabaasha badaha, maadaama aaney heysanin qalabyo badbaado ama ka saacida dabaasha.