Munaasabad ballaaran oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa diyo ku kala qaatay beelaha walaalaha ah ee Hubeer iyo Ajuuraan, kuwaasoo uu dil dhexmaray.
Rag katirsan qabiilka Ajuuraan ayaa dilay nin u dhashey Hubeer, waxaana markii dambe gacanta lagu soo dhigtay raggii falka dilka geystay oo todobo ruux ahaa, kuwaasoo qirtay iney iyagu dileen walaalkooda.
Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa xukuntay in beesha Hubeer la siiyo diyada boqol neef oo geel ah, looguna daro todobaatan neef oo tacziir ahaan loogu xukumay, maadaama aan horey loo arag in todobo ruux hal qof lagu dilo.