Dalka Liibiya ee katirsan qaaradda Afrika waxaa muddo badan kascday dagaallo kala duwan, waxayna ka tageen waxyaabo badan oo saameyn ku yeeshay bulshada iyo wadanka Intaba.
Waxyaabah laga dhaxlay dagaalladaasi ee bulshada dalkaasi illaa iyo maanta dhibaatada ku haya waxaa kamid ah, miinooyinka horay dhulka loogu aasay xilligii dagaalladu ka holkaceen halkaasi, kuwaasoo gallaafatay nolosha bad badan.
Dadka naftooda ku waayay miinooyinkan ah haraadigii ka haray dagalladii dhacay waxay isugu jiraan caruur iyo dad waaweyn.
Sanadkan aynu ku gudaha jirno ee 2024 oo kaliya, tiro koob ay sameysay hay’adda qaramada Midoobay wuxuu sheegayaa, in 16 ruux oo ay ku jiraan caruuri udhinteen miinooyin la kacay.
Miinooyinkan ayaa dhibaato xooggan ku haya shacabka Liibiya, waxayna ku jiraan dhul ballaaran, iyagoo ku baahan in laga nadiifiyo.