Hogaamiyaha Itoobiya u qaabilsan dhulka Soomaaligalbeed ee gumeysiga Itoobiya ku jira ninka lagu magacaabo Mustafa Cagjar, ayaa dowladda Itoobiya wuxuu u diray warqad uu kaga codsanayo in afti la weydiiyo dadka kunool magaalooyinka Mooyaale iyo Dirirdhaba, si ay go’aan uga gaaraan iney kamid noqonayaan gooblka Oromada iyo inkale.
Arintan ayaa waxaa aad uga horyimid dadka Soomaaliyeed ee halkaasi kunool, iyagoo sheegay in Mustafa Cagjar uu doonayo in dhulka Soomaaliyeed oo horeyba loo heystay uu hadana si toos ah u bixiyo, Itoobiyana siiyo.
Engineer Feysal Aadan, oo kamid ah dadka kasoo jeeda Soomaaligalbeed, ayaa Mustafa Cagjar ku tilmaamay inuu yahay khaa’in been u sheegaya umadda Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in dowladda Itoobiya ay ka shaqeyneyso sidii la isugu baabi’in lahayd qowmiyadaha muslimiinta ee dega dalka Itoobiya, gaar ahaan Canfarta, Oromada iyo Soomaalida kunool dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato.
Halkan kala deg Engineer Feysal Aadan- Dhulka Soomaaligalbeed