Taliyihii hore ee ciidamada Dowladda Fedaraalka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo maalmo ka hor xilka laga qaaday, ayaa isagoo ha hadlayay xafladda xil wareejinta waxa uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in mudadii uu xilka joogay uu ku guul dareystay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo xusay in meel walba ay joogaan, haddii ay ahaan lahaayeen goobaha ay iyagu ku sugan yihiin iyo goballada kalaba.
Sidaas darteed ayuu tilmaamay iney adag tahay in laga adkaado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.