Monday, November 18, 2024
HomeWarka DibaddaYahuudda oo Qiratay in Askar iyo Saraakiil Looga Dilay Dagaalka Lubnaan.

Yahuudda oo Qiratay in Askar iyo Saraakiil Looga Dilay Dagaalka Lubnaan.

Taliska ciidanka Yahuudda ayaa maalintii shalay oo Arbaco ahayd bayaan uu soo saaray ku sheegay, 6 askari oo kamid ah ciidankooda lagu dilay dagaallo ka dhacay Koonfurta wadanka Lubnaan.

Askartan la dilay oo ay 5 kamid ah magacyadooda faafiyeen, ayey sheegeen iney ku jireen labo sarkaal oo kala ah, taliye koox iyo taliye unug, waxayna dhamaantood ka tirsanaayeen guutada ay ubixiyeen Jowlaan.

Sarkiishan iyo askarta laga dilay kayaanka Sahyuuniga ah ayaa ku biiraya tirakoobka askar iyo saraakiil badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday  dagaallada kasocda dalka Lubnaan.
Warar ka mabax banaan bayaanka uu soo saaray maamulka Yahuudda ayaa sheegaya. In saraakiisha iyo askarta Yahuudda ah lagu  dilay, weerar dhabbagal ah oo maalintii shalay  ka dhacay Koonfurta Lubnaan.

Maamulka Yahuudda ayaa cabsi weyn ka qaba duulaanka uu ku qaaday wadanka Lubnaan, wuxuuna haatan iska ilaalinayaa inuu is ballaariyo maadaama bilowgii dagaalkaba dhabarka loo saaray khasaare laxaad leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments