Maxamed Axmed Cali (Royal) oo ah maareeyihii kumeel gaarka ahaa ee Hay’adda dhowrista xogta, ayaa xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee Dowladda Fedaraalka.
Falal curyaaminaya habsami u socodka howlaha hay’adda, iyo inuu ku kacay falal ka dhan ah habdhaqanka madaxda Dowladda Fedaraalka ayaa lagu eedeeyay ninkaan.
Masuulka xilka laga qaaday ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay baraha uu Internetka ku leeyahay ku qorayay, farriimo uu ku dhaliilayo hab maamulka Xasan Sheekh, isagoo horraan u olaleynayay nidaamkiisa.