Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaSaraakiil Masaari ah oo ku Dhintay Diyaarad kula Burburtay Dalkaasi.

Saraakiil Masaari ah oo ku Dhintay Diyaarad kula Burburtay Dalkaasi.

Dowladda Masar ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday in saraakiil kamid ah ciidankeeda ay ku dhinteen diyaarad Helicopter ah oo kula burburtay gudaha wadankaasi.

Afhayeenka ciidamada Masar nin lagu magacaabo Qariib C/Xaafith, ayaa war uu soo saaray shalay kaga hadlay, dhacdada la xiriirta labadan sarkaal oo uu sheegay, iney dhinteen xilli ay tabar ku jireen.

Saraakiishan ayaa katirsanaa ciidamada cirka ee xukuumadda Masar, waxayna diyaaraddu usoo dhacday, sababo la xiriirta cillad farsamo oo ku timid.

Waayihii dambe waxaa Dunida aad ugu soo badanayay shilalka ay gasho diyaaradda nooca loo yaqaan Helicopter-ka, ikastoo sida caadiga ah marka lagu jiro tababarrada ay arrimahan oo kale dhacaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments