Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maata dagaal ku qaaday, askar katirsan kuwa maamulka la baxay Jubbaland oo ku sugan, degaanka Buulo-Xaaji ee dhaca Duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sido kale lagu soo furtay hub ay lahaayeen ciidanka la wareeray.
Inta la xaqiijiyay tirada dhimashadu waa 3 askari, dhaawacuna wuxuu gaarayaa illaa 9 kale, waxayna weerarkan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku soo furteen 2 qori.
Muddooyinkii lasoo dhaafay askarta maamulka la baxay Jubbaland ee ku sugan degaankan ayaa la kulmayay weeraro abaabulan, kuwaasoo dhowr jeer khasaarooyin laxaad leh lagu gaarsiiyay.