Duqeymahan oo ay naftooda ku waayeen dad badan qaar kale ku dhaawacmeen, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin katirsan wadanka Lubnaan oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi.
Subaxnimadii maanta oo ugu dambeysay diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqeeyay, mandiqadda loo yaqaan AD-Daaxiya Al-Junuubiya ee katirsan Beyruut.
Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan ayaa war ay shalay galabkii soo saartay waxay ku sheegtay, in dqeymo ka dhacay meel kala duwan oo kamid ah dalkaasi lagu dilay 32 ruux, 51 kale lagu dhaawacay.
32 qof ay lagu dilay duqeynta ay Yahuuddu ka geysteen Lubnaan waxaa ku jiro4 caruur ah, kayaanka Sahyuuniga ah ayaana caadeystay leynta caruurta.
Shalay illaa iyo maanta waxay magaalada Beyruut marigelineysaa duqeymo aan kala joogsi lahayn, oo ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysanayaan halkaasi.