Kadib markii khasaare culus maalintii shalay ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay weerar ku qabsaday duleedka degmada Afgooye, ayaa waxaa lasoo warinayaa in dad rayid ah ay askartu ku dileen halkaas.
Qoriga RBG-ga ayaa waxa ay ku garaaceen xaafado katirsan deegaan hoosyimaada degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana mid kamid ah uu haleelay guri ay daganaayeen dad rayid ah, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen gabar iyo aabaheed.
Sidoo kale waxay qoriga RBG-ga la beegsadeen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana ku dhintay 3 ruux oo kale.