Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaMareykanka oo Saraakiil Katirsan Dowladda Fedaraalka ku Riday Xukun Adag.

Mareykanka oo Saraakiil Katirsan Dowladda Fedaraalka ku Riday Xukun Adag.

Maxkamd ku taalla dalka Maraykanka ayaa Xabsi Tobanaan sano ah ku riday Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka oo ay ku Eedeysay iney Afduubteen Muwaadin Ameerikaan ah.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha mandiqadda koonfureed ee magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, ayaa xukun xabsi ah ku riday labo ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay iney Soomaaliya ku afduubteen wariye u dhashey dalka Maraykanka, kaasoo lagu magacaabo Michael Scott Moore.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Ameerikaanka ah, Cabdi Yuusuf Xassan iyo Maxmed Tahliil Maxamed ayaa lagu xukumay xabsi dhan muda 30 sano ah, sababo ku aadan iyadoo lagu eedeeyay afduub ka dhan ah muwaadin Ameerikaan ah, oo ay doonayeen iney lacago madax furasho ah ka qaataan.

Horaantii sanadkii 2012-ka ayaa wariyahan ameerikaanka ah ee lagu magacaabo Michael Scott Moore, waxa uu safar ku yimid qeybo kamid ah deegaannada dhaca bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug, isagoo sheegay inuu doonayo inuu barnaamijyo baaritaanno ah ka sameeyo kooxaha burcad badeedda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Labada ruux ee ku eedeysan afduubka wariyahan Ameerikaanka ah, ayay dowladda Maraykanka sheegtay iney gacanta ku dhigeen Moore, iyagoo ka faa’ideysanaya jagada ay ka hayeen Dowladda Federaalka, maadaama midkood uu ahaa taliye amni, halka kan kalena uu ahaa sarkaal ciidan.

intii ay hayeen waxay kula kaceen garaacis iyo handadaad, iyagoo doonayay iney ka qaataan lacago madax furasho ah, waxaana isla waqtiga ay wariyaha Ameerikaanka ay heysteen ay sidoo kale afduubteen muwaadiniin kasoo jeeda jaziiradda Siishalis, kuwaasoo ay ka qabteen xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, sida ay tilmaameyso xogta uu baahiyay xafiiska Xeer ilaalinta ee mandiqadda koonfureed ee magaalada Newyork.

Abuukaatayaasha u doodayay labada nin ee Soomaalida ah ee lagu xukumay sodon sano oo xabsi ah, ayaa tilmaamay in hab-dhaqankooda ay kula macaamilayeen wariyaha Ameerikaanka ah uu ahaa mid wanaagsan, sidaasi darteedna ay mudanyihiin in loo khafiifiyo xukunka, waxaana raggani midkood lagu geeyay Maraykanka xeelad markii dambe ku hogaamisay inuu galo gacanta laamaha ammaanka ee Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa galaangal dhan weliba ah waxay ku leedahay Soomaaliya, marka laga tago saraakiisheeda muuqda waxay Soomaaliya usoo dirtaa sirdoonno magacyo kala duwan wata, wariyaasha ayaana kamid ah dadka ugu firfircoon ee ay CIA-da Maraykanku u adeegsato helitaanka xogaha muhiimka ah.

Halkaan ka Degso Warka Xukunka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments